Su’aalaha Aalaaba La Isweydiiyo ee Ambaqaadka PBOT ee Waddooyinka Taraafikada

Information
Image shows a concrete planter at SE 12th and SE Salmon.
Sidee ayuu Ambaqaadka PBOT ee Waddooyinka Taraafikada Yar | Waddooyinka Ammaanka Ah u shaqeeyaa? Ka akhri su’aalahayaga aalaba la isweydiiyo iyo tilmaameyaashayada sida loo isticmaalo Neighborhood Greenways ee Portland inta lagu jiro dhibaatooyinka caafimaadka dadweynaha ee cudurka COVID-19.

Miyaa la xirayaa waddooyinka? 

Maya. Xafiiska Gaadiidka Portland (PBOT) ayaa u beddelaya 100 mayl oo waddooyin horay u taraafiko yaraa kuwa ay “geli karaan kaliya gaadiidka deegaanka”. Halkan waxaa ah khariirada dhammaan 105 goobood oo aynu ku dhajinayno calaamadaha.


Miyaan weli baabuur u wadan karaa gurigayga ama shaqadayda? Miyaa weli heli karaa waxyaabaha la ii keeno ama martida? Ka waran gawaarida gurmadka degdega ah? 

Gebi ahaanba! Kuwaani ma aha xiritaanno adag. Qof kasta oo raba inuu galo ama ka baxo waddadaada, oo ay ku jiraan gaadiidka gurmadka degdega ah, weli way sameyn karaan sidaasi. “Geli karaan kaliya gaadiidka deegaanka” waxay ka dhigan tahay inaan ku xaddideyno waddooyinkaan dadka bartilmaameedka u tahay halkaas kaliya. 


Miyuu xafiiska PBOT tixgelin doonaa u beddelida jiddad badan “geli karaan kaliya gaadiidka deegaanka”? 

Iyadoo qayb ka ah Ambaqaadka Waddooyinka Taraafikada Yar | Waddooyinka Ammaanka Ah, xafiiska PBOT wuxuu qiimeynayaa waddooyinka kale si loo ogaado isbeddelada ka caawin kara dadka Portland inay u safraan si badqab leh inta lagu jiro cudurka faafa. Fadlan wac 503-823-7233 ama u dir iimayl safe@portlandoregon.gov haddii ay jirto waddo aad jeclaan laheyd inaad soo-jeediso. 


Sidee ayay noqon doonaan calaamadahaan iyo beddeladaan? 

Iyadoo ay ku xirantahay inta ay waddadu balaaran tahay, PBOT waxay dhigi doontaa foosto bartanka waddada ama dhanka baarkinka. Lama dhigi doono isgoysyada. Waxay yeelan doonaan calaamado muuqda oo uga digaya dadka ku waddida gaari xaddeynada ay "geli karaan dadka deegaanka kaliya" iyo sidoo kale fariimo u sheego inay tartiib socdaan oo wadaagaan waddada. 


Miyaan gacan ma ka geysan karaa ama tabaruci karaa?

Haa. Bahwadaagtayada Axiom Event Production, oo gacan ka geysata socodsiinta Portland Sunday Parkways, waxay wadaa barnaamij si bulshada ay uga qayb noqoto isbeddeladaan. Ula Xiriir si toos ah si aad u ogeysiiso inaad daneynayso.  


Sidee ayaan u isticmaalnaa Neighborhood Greenways ee Portland inta lagu jiro cudurka COVID-19? 

Shabakadahayaga Neighborhood Greenway ee leh taraafikada yar ayaa siiya Reer Portland qaabab badan ay ku wanaajiyaan cadimaadkooda maskaxda iyo jirka inta lagu jiro dhibaatooyinkan caafimaadka dadweynaha. Si kastaba, fadlan faham inay qaadato iskaashigayaga oo dhan si barnaamijkan looga dhigo mid guul leh. Aynu ka wada shaqeyno si loo dhimo faafitaanka cudurka korona fayras oo loo badbaadiyo nolol. 

Kahor intaad bixin, fadlan: 

  • Joog guriga haddii aad xannuunsan tahay. 

  • Joog deegaanka ama meel u dhow guriga.

  • Kaliya booqo Neighborhood Greenways kaligaa ama adoo la socdo xubnaha qoyskaaga, lama oggola isku imaanshaha dadka kale.

  •  Soo qaado saadkaaga—cunto, biyo, gacmo-nadiifiye, weji gashi—ee loogu baahan yahay safarka gaaban. 

  • Qorshee halka aad ku isticmaali doonto musqusha haddii aad u baahatid. Gelida musqulaha dadweynaha ayaa xaddidan magaalada oo dhan.

  •  Haddii Neighborhood Greenway u muuqdo mid dad badan joogaan, ka tag oo soo noqo waqti kale. 

Haddii boos ka bannaan yahay Neighborhood Greenway, fadlan: 

  • Xusuusnow in kuwaani yihiin waddooyin ama marshobiyeedi la wada maro. Isdeji oo ixtiraam dadka kale.

  • Xiro weji gashi xitaa haddii dadka kale aysan qabin. Mid guri ku sameys ah waa caadi.

  • Ka fogow ugu yaraan 6 cag dadka aan qoyskaaga ahayn. Kala sii fogaansho ayaa ka wanaagsan.

  •  Ku dabool qufacaaga tiish (kadibna iska tuur), ama laabka xusulkaaga. Ku ekow waxqabadyada halista yar. Ha saarin culeys dheeraad ah ka jawaabeyaasha xaaladaha degdega ah iyo nidaamyada daryeelka caafimaadka.

  • U sheeg joogitaankaaga dadka kale haddii aad dhaafayso iyaga oo dhinac u dhaqaaq, markii loo baahdo, si aad u oggolaato in dadka kale ku dhaafaan.

  • Raac tilmaamaha Xarumaha CDC oo dhaq gacmahaaga kahor iyo kadib markaad booqato Neighborhood Greenway, ama goob dadweyne kasta oo bannaan.


Sidee ayaan u soo sheegaa gaadiid-duwe ama calaamad halaysan? 

Fadlan qandaraasleyaashayada iimayl ugu dir hello@pdxgreenways.com ama fariin ahaan codsigaaga ugu dir 503- 395-4509. Raaci isgoosyada ama lambarka goobta (ku qor dhagaatiga ku dhagan qalabka).